Daawo Madaxwayne Deni “dalkaan hal dowlad uun buu yeelanayaa dowlado isku dhex jira yeelanmayo, Hal Ciidan buu yeelanayaa Ciidamo Rag leeyihiin ma yeelanaayo”

30 Nov 2021 (Puntlandes) Madaxwaynaha dawladda Puntland mudane Siciid cabdulaahi Deni oo ka hadlay munaasabad lagu soo dhawaynayey oo ka dhacday magaalada Burtinle ayaa sheaagay inaysan Puntland yeelan doonin ciidamo rag leeyihiin iyo dawlado isku dhex jira waa siduu hadalka u dhigaye.

Madaxwayne Deni ayaa yiri “dalkaan hal dowlad uun buu yeelanayaa dowlado isku dhex jira yeelanmayo, Hal Ciidan buu yeelanayaa Ciidamo Rag leeyihiin ma yeelanaayo”

Hadalkaan madaxweynaha ayaa ku soo aaday xilu ay magaalada Bosaso ay ka jirto xiisad amardiido ku bilaabatay oo u dhaxaysa dawladda Puntland iyo Agaasimihii hore ee PSF oo diiday xilka ka qaadistii madaxweynaha.

Hoos ka daawo muuqaalka:


Puntlandes.com

About The Author