Ra’iisul Wasaare Rooble oo isku baddelay labo Wasiir

26 dec 2021 (Puntlandes) Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Gaashaandhigga JFS ugu magacaabay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) oo horay u ahaa Wasiirka Caddaaladda.

sawirka kore wasiirka cusun ee Gaashaandhiga:

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo horay ahaa Wasiirka Gaashaandhigga XFS u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JFS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray labada wasiir ee la isku baddelay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan xilalka ula kala wareegaan.

sawirka kore wasiirka cusun ee Caddaaladda

About The Author