Safiiradda Mareykanka iyo UK ee Muqdisho oo ku Taageeray Rooble Qabashada Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

26 dec 2021 (Puntlandes) Safaaraddaha Mareykanka iyo UK ee Muqdisho ayaa caddeeyey inay taageerayaan baaqii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu todobaadkan iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Qoraalo ay si goon gooni ah u dhigeen boggoga safaarada ee Twitterka ayaa lagu sheegay in wadahadalada todobaadkan ay yeelanayaan Madasha ay muhiim u yihiin dardargelinta hannaanka doorashada iyo sixitaanka khaladaadka la arkay.
Taageerada uu u muujiyay Maraykanka iyo UK kulanka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa timid kadib markii uu maanta Rooble uu kulan fogaan arag ah la yeeshay wakiilada beesha caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u xaqiijiyay Wakiilada Beesha Caalamka in shirka furmaya ay diiradda ku saari doonaan ilaalinta hufnaanta doorashada iyo sixitaanka, ku dhaqanka habraacyada doorashada iyo soo saaridda jadwal ay ku caddahay waqtiga ay soo gabagaboobeyso doorashada.

 

Hoos ka akhriso qoraalda Safaaraddaha:


Puntlandes.com

About The Author