Ilhan Cumar; “Farmaajo muddo xilleedkiisu waxa uu dhaafay sanad ee xilka ha baneeyo”

28 dec 2021 (Puntlandes) Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa ugu baaqday Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu faarujiyo madaxtooyada dalka Soomaaliya.

Ilhan Cumar ayaa bogga ay baraha bulshada ee Twitter-ka ku leedahay ku daabacday sidan;
”Farmaajo sanad ayaa ka soo wareegay markii muddo xiledkisu dhamaday. Waxa la joogaa wakhtigii uu meesha banayn lahaa, oo ay doorashadu wakhtigeedu daahday qabsoonto sida ugu dhakhsaha badan”.

Qoraalka ay soo dhigtey boggeeda Ilhaan Cumar ayaa waxaa ay ku soo lifaaqday qoraal kale oo ka soo baxay waaxda u qaabilsan arrimaha Afrika Wasaaraa Arrimaha dibadda Maraykanka,taasoo loogu taageeray Ra’iisul Wasaare Rooble isla markaana hanjabaad loogu direy kuwa caqabada ku ah nabada Soomaaliya.

About The Author