Sawirro-Muuqaal: Axmed Karaash oo dhaggax dhigay dhismaha cusub ee xarunta Dowladda Hoose ee Garowe

19 Jan 2022 (Puntlandes) Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa dhaggax dhigay dhismaha cusub ee xarunta Dowladda Hoose ee Garoowe.

Dhismaha cusub ee xarunta Dowladda Hoose ee Garoowe oo laga dhisayo xaruntii hore ee Madaxtooyada Puntland, ayaa ka koobnaan doona Saddex Dabaq oo isugu jira Xafiisyo, xarumo lagu Shiro iyo goobaha kale ee loogu adeegayo dadweynaha Degmada Garoowe.

About The Author