Gudoomiyaha Bangiga dhexe oo ka digey lacago faalso ah oo daabacaadeedu socoto

1996a

Gudoomiayaha bangiga dhexe ee DFS Bashiir Ciise Cali ayaa sheegey in wadanka la soo galiyey lacag shilin Somali ah oo been abuur ah, oo lagu soo daabacay wadanka gudihiisa, taasoo keentey in wadanka laga dareeemey qiimo dhac ku yimid shilinka gudahiisa.

Gudoomiye Bashiir Ciise oo kula hadley Saxaafada magaalada Muqdisho ayaa  sheegey in lacagtaan lagu sameeyey meel kamid ah wadanka Somalia gudahiisa isaga oo uga digey dadweynaha ineysan qaadan.

2
Gud Bashiir Ciise

Gudoomiye Bashiir Ciise ayaa uga digey dadweynaha in Bangiga dhexe uusan shilin Somaliga faalsada ah aqoonsaneyn islamarkanaa aqbaleyn hadii la keeno xaruntiisa isaga oo hay’adaha amniga ka dalbadey in la qabto halka lagu arko lacagtaas.

Mudane Bashiir Ciise ayaa ka gaabsadey in saxaafada u sheego halka lagu soo daabcey lacagtaan. Sarifka Shilin Somaliga ayaa boqol kii doolar maanta waxaa magaalada Muqdisho lagu iibsanayey labo milyan iyo sadex boqol kun oo shiln Somali ah.

Madaxweynaha Puntland  Cabdiweli Cali Gaas oo dib ugu soo noqdey 26 April,2015 magaalada Garowe ayaa mar saxaafada waydiisay inuu ka jawaabo qorshaha xukuumadiisa ku daabaceyso lacag Shilin Somali ah oo faalso ah taasoo dhaqaalaha shacabka Khatar ku ah, wuxuuna jawaabay ismaahin si cad loo arkay jiritaanka Makiinadaas uu ku rakibay Xarunta Ganasciga Puntand ee Bosaso.

Warar ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa xaqiijinaya in xarunta bangiga magaalada Bosaso la keeney makiinad  lagu daabaco lacagta Shilin Somali ah.

Puntlandes

About The Author