Cabdiwali Maxamed Cali Gaas muxuu ula jeedaa Riyaha dastuurka xafidsan?

Cabdiwali Gaas  khudbadiisii maanta waxaa ku jirtay oraahdaan, cayda iyo qadafku ka muuqday oo ahayd

“ Reer Puntland waxay dhahaan Riyaha Garoowe dastuurka dushay ka wada xafidsan yihiin marka madaxwayne hadaad aragtid ri kugu ag wareegeysa ogow dastuur la bedeley bay dood ka qabtaaye”

Hadalkaas daciifnimada ah wuxuu ku biyo shubanayaa maah maahdii ahayd   ninkii gartoow garo doqonna loo sheegi mayo.

Wuxuu haddalkaasi dulucdiisu ahaa nin saaxiibkiis ama “ his Master” si sarbeeb ah ula hadlaya  oo u sheegaya in ay reer Puntland:taan  dastuurka ay ku dhegen yihiin ay issaga Cabdiwali ahaan ula mid tahay sida riyo is ka hadlaya ee uusan waxba kasoo qaadin.

Annigu ninkan Master:kiisa sida daciif nimada ah ula hadlaya waxaan ugu jawaabi lahaa LAX WALBAA SHILALKAY IS DHIGTAA LAGU QALAA wacade isku dhajintaan iyo is hoos dhigaan aad is hoos dhigaysid qof aanba ku ogayn in aad jirtid inaysan dabo kaa soo saarayne allow yaa ku yiraahda ka kac gelgelintaan sanboorku kugu diley.

Reer Puntland ama ha kuula muuqdeen riyo ama yaysan kuula muuqane waxaad mar dhaw ogaanaysaa in yihiin libaax  aad sanka ka mar maraysid. Illeen waxaa hore loo yiri dab aanad kulaylkiisa arag  dambaskiisa lagama leexdee, markii meesha inta lagaa tuuro aad derbiyada Xamar ka tuugsatid baad soo xusuusan doontaa maah maahdii Cigaalshiidaad ee ahaydGeedyaho ma waxaan ku moodey, ma waxaad noqotay misse waxaan loo noqon doonin” waxaad ogaan in markii lagu dooranayey wax lagu moodeyoo reer Puntland ay u qabeen in aad sidaan dhaantid. Oo marnaba aan xisaabta lagu darsan in uu jiri karo qof ilaa heerkaas ka gaarsiisan jileec iyo u ja jabnaan dad dad aan dan iyo heelo ka lahayn iyo waliba xisaabtan la aan intaas le,eg. Waxaad ogaan in wax badan laguu dulqaatay oo la is lahaa bal sidaani caqli maahane u kaadiya wuu ka soo rayne.

Waxay ila tahay intii yaraydee wali islahaa bal u dulqaata waxay quusanayaan caawa markay dhegeystaa wax ku hadashay oo ay ogaan in rajo danbe oo lagaa sugaa ay tahay Calaacal timo kasoo bexeen. Oo marka lagaba sootago hadlkan qadafka iyo aflagaadhada ah ee  aad reer Puntland ula kastay waxaa cajaa,ib ahay sidaad ula dhacsanayd ninkii Xassan Sheekh adiga daraadaa u soo kaxaystay ee inta mar walba heesta ku dhufta adna aad halkaas kala jiibineysey iyo sidaad inta is hayn waydey aad meesha uga sheegtay in aad ninkaas guulwadaynta ku jeceshahay. ALLA RAGAANI MAXAY KU YAQAANAAN!!!!!

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

 

About The Author