Madaxweyne Gaas wuxu galay Khiyaano Qaran Xildhibanada Pl miyeysan ahayn inay PL ka hor wareejiyan Gaas?

Intii ka dambaysay markuu talada dalka la wareegay 8 jan 2014 madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas  wuxuu ku dhaqaaqayey talaabo hoos u sii ridaysa dawladnimada Puntland.

Puntland meeshii uu horay u sii wadi lahaa Gaas wuxuu ku riday hoos u dhac aad u hooseeya, haday noqon lahayd:

  • Xag Amni
  • Xag dawladnimo iyo kala dambayn
  • Xag Dhaqaale
  • Mushahaar la’aan baahsan
  • Puntland oo uu Gaas ku soo ururiyey Degmo laga Xukumo Villa Somalia

Waxaas oo dhan waxaa kas ii daran heerkii iyo maqaamkii ay ka joogtay Puntland guud ahaan Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo hal mar uu Gaaas meesha ka saaray kana dhigay (Nal la damiyey) isagoo Gaas baabiyey maqaamkii iyo haybadii ay Puntland ku lahayd Caalamka iyo Soomaaliya.

 

Gobolka Mudug

Waxay ahayd 30 kii julay 2014 markii Kooxda Xasan ay ku dhaaaqeen in ay Gobolka Mudug ee Puntland raacinayaan wax ay ugu yeeleen maamul Gobolada Dhexe. Waxaa ku taageeray Beesha Caalamka oo ay hormuud u tahay IGAD. Ilaa iyo waqtigan xaadirka ah dawlada Puntland ee uu hogaamiyo Gaas way yar tahay tilaabo ay ka qaaday arinka Gobolka Mudug marar ay shacabka qaldaysay oo hadalo tiri maahee.

Shirkii wadatashiga DFS iyo dawladaha Xubnaha ka ah ee Garowe Shirkaasi wuxuu Puntland u ahaa Fursad ay ku hesho Heshiis dhab ah oo ku saabsan Qadiyada Gobolka Mudug laakiin nasiib daro ma dhicin taasi.

Waxaa mas’uuliyadii saarnay ka soo baxay Gudigii Puntland u matalayey wada hadalada oo diiday in ay ka hadlaan Riwaayad kale inta ay Puntland Heshiis ku saabsan Gobolka Mudug la Saxiixanayso madaxweyne Xasan laakiin NASIIB DARO WAXAA DHABAR JABIYEY madaxweyne GAAS oo sidii la filayey u yeelay madaxweyne Xasan Qorshihiisii guracnaa.

Waxaa meesha ka soo baxay wax loogu yeeray War-murtiyeed aan la aqoon wuxuu yahay! Wali waxay DFS isticmaalaysaa magaca maamulka Cadaado laga dhisayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud, meeshay ahayd in magaca loo badalo Koonfurta Mudug iyo Galgaduud.

 

Gaas oo difaace u noqday cadawtinimada madaxweyne xasan u qabo shacabka reer Puntland

 Intii uu madaxweyneXasan ku sunaa Garowe waxaynu shaashadaha TV yada ka daawanaynay Gaas oo aflagaadaynaya Besha Caalamka amaanaya madaxweyne Xasan iyo BOOBKA uu ku hayo wixii ummadda Soomaaliyeed ka dhexeeyey.

Waxyaalaha CAJIIBKA ah waxaa ka mid ah markii la arkay Gaas oo oranaya reer Puntland shaki baa dilay ay ka qabaan in aan Xamar waxba soo dhaafin markaas waraystay madaxweyne Xasan na wuxuu ii sheegay in aysan waxba soo gaarin, marka waa in ay reer Puntland shakiga iska daayaan!!! 

Hadaba waxaa iswaydiin mudan, waxyaalahan hoos ku qoran?

  • Gaas ma u muuqan wayday lacagta faraha badan ee la leeyahay waxaa dib loogu dhisayaa Guryihii ay dawladii Soomaaliya lahayd ee Culusoow iyo Tolkii ay Burburiyeen
  • Gaas ma u muuqan wayday waxa lacag ay Beesha Caalamka ku shubtay Xamar tan iyo 2009.
  • Gaas ma u muuqan wayday hor istaagii ay isaga DFS kaga samaysay Shidaal baaruistii ka socotay Puntalnd, taasoo aan waafaq sanayn dastuurkii lagheshiiyey.
  • Gaas ma u muuqan wayday xataa wax kale iska daaye in reer Puntland laga horjoogsaday in ay wax bartaan markii shahaadadoodii la yiri kama soo bixin DFS oo waa FOOJARI.
  • Gaas ma u muuqan wayday Deeqda waxbarasho ee magaca Soomaaliyeed lagu helo ee loo diiday arayda reer Puntland

 

Puntland

Puntland maaha shirkad nin leeyahay mana aha ”Hagbad” wareegta oo maalinba reer leeyahay siduu doonana ka samayn karo iyadoon la ilaalinayn wadajirka dhuleed iyo dadeed ee Puntland. Puntland dadbaa wada leh ee Gaas ma laha waana Waajib saaran dhamaan reer Puntland inay badbaadiyaan markay Puntland halis gasho maantana waxay ku jirtaa Puntland halis tii ugu xumayd.

Waxaa ku baraarujinayaa shacabka iyo ciidama inay Amniga ka shaqeeyaan. Waxaan kaloo ka codsanayaa Isimada, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada iyo waxgaradka reer Puntland inay u istaagaan inay badbaadsadaan Puntland iyagoon cidna marti uga ahayn.

Baarlamaanka Puntland

Maanta Allah ka sokow waxaa Badbaadin kara Puntaland waa Xildhibaanada matalaya shacabka Puntland aana looga baran inay isticmaalaan awoodooda Dastuuriga ah. Maanta waxaa la joogaa markii ugu horaysay ee ay isticmaali lahaayeen Baarlamaanka Puntland awoodooda dastuuriaga ah ayna taariikhdu qorto kalana noqdaan madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas KALSOONIDA.

Sidee ayey ku dhacday inuu inaas oo aan soo sheegnay uu Gaas sameeyo Baarlamaanka Puntland na ay gacmuhu u laaban yihiin? Xildhibaanada sharafta lehoow idinkaa la idin sugayaaye BADBAADIYA PUNTLAND Allah ha idin badbaadiyee.

945

Mahadsanidin
Mr Mahdi Yuusf Dhuux

Daabcaada: Puntlandes.com

 

 

 

 

About The Author