Waxaan maqli jirey, miskiin baa miska la fuulo leh!!

Sida aan lawada soconay waxaa Garoowe ka socdey maalmihii lasoo dhaafay wax loogu yeeray wada hadal, gundhigiisu ahaa war walaalayaaloow hana boobina iyo mayee waan idin dhacaynaa!!!.

Sababta aan taas u leeyahay waxaa weeye mar hadii reer puntland ay ka baryayaan xukuumadda Damjadiid in la cadeeyo meesha Gobolka Mudug ka tirsan yahay ayana ay diidan yihiin soo dhac iyo bililiqo la mid ah tii 91dii ma aha ??

Hadaba maxaa ugu wacan in aynu 17 oo Puntland jirtey maanta barino in gurigeena laynoo daayo??

Waxaa ugu wacan Damjadiid waxay meel ku ogaadeen in Puntland uu joogo oo madax ka yahay nin ay iyagu keensadeen , ama yayba keenanine iyaga kaba qaad u ah.

Waxaa hubaal ah in hadii Puntland uu madax ka ahaan lahaa qof kale in sheekadu ay sida maanta tahay ka duwanaan lahayd. Waxaan si dhaw ula socdey waxa loogu yeeray wada xaajoodku intii uu ka socday Garoowe.

Waxaa aniga yaab iyo amakaag igu noqotay sida dhiiranaanta ahayd ee Xassan Culusow iyo ninka isaga u adeegaa ay markii ugu horeysey taariikhda 25 sanadood kadib ay ugu  cel celinayeen erayga ah in la qaato dawlad dhexe oo adag!!! Hadda ogaada waa wixii reer Puntland ku dhegenaayeen 17sano oo sinaba aan wax kale looga hadli karin. Waxaa kale oo ogaataan in meeshu tahay madaxtooyadeenii!!!. Waxaa kale oo cajaa,ib ahayd sida cad ee uu Xassan Sheekh u diidey cadaynta in uu joojiyo boobka uu nala damacsan yahay. Dad badan oo wax ma garad ah oo inta badan taageera Cabdiwali Gaas ama laaluush iyo lacag ha ku taageereen ama badawnimo iyo qabiil ha ku taageereene, waxay khudbadii daciifnimada iyo doqonimadu ka muuqatay ee ku saabsanayd in ay Puntland leedagay qaybo ka tirsan Mudug u tarjumeen in  uu Cabdiwali Gaas cadeeyey waxay ugu yeereen mawqifka Puntland ee Gobolka Mudug.

Bal horta aan iswaydiinee, matahay in laysku haysto Gobolka Mudug? Yaase keenay in ay maanta Puntland heerkaas marayso? Sow maha Cabdiwali Gaas ka aadka ugu jajaban Xassan Sheekh.

Sow mar hadii aynu ku fiirsanayno Cabdiwali Gaas darxumida uu Puntland baday oo aynu iska aamusanahay sheekadu noqon mayso “miskiin baa miska lafuulo leh?” Oo markaa wixii la rabo nala ka fushanmaayo oo nala ku dul soconmaayo?

Bal u fiirso waxa loogu yeeray war murtiyeedkii laga dhex akhriyey madaxtoooyadeenii. Hadda ogow wada hadlkii wuxuu u burburay oo uu u socon waayey in ay nimankan boobka u soo tafaxaytey xaqiiqda iyo soomalinimada u soo noqdaan, middaas oo ay diideen,

Shirkii awalba ahaa shimbirayohow heesa markuu burburay baa intay u yimaadeen Cabdiwali Gaas warqad ka qorteen, warqadaas oo dhabar jab iyo hagardaamo ku ah reer Puntland. Markuu taas sameeyeyna diyaaradii ay la socdeen waa kii hore ugu sii raacay. Soomaali horaa ku maah maahday Hal Duqa ah oo  ninkeedii dabada hayo ma kacdee,  illaa iyo intee bay reer Puntland ku fiirsanayaan Puntland Cabdiwali Gaas??.

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author