FADEEXAD: Madaxweyne GAAS oo bixiyey Gaalkacayo iyo Hay’adaha ka hawlgala Galkacyo oo cadeeyey in Gaalkacyo laga xukumo BARAXLEEY

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ing Camey oo maanta si uu uga dhoofo u soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa wuxuu ku baraarugay in hay’adaha ka howlgalla magaalada Gaalkacyo laga xukumo fadhigooduna uu yahay Koonfurta Gaalkacyo iyagoo si cad ugu sheegay in ay Gaalkacyo u aqoonsan yihiin maamulka Koonfurta, CAJIIB!!!!

waxaa wax lala yaabo ah sida ay ku ogolaadeen shaxabka reer Gaalkacyood in uu madaxweyne GAAS iibsado magaaladooda iyo Gobolkooda?

Waxa ay Gaas iyo taageerayaashiisu ku difaacidoonaan iibsashada Gaalkacayo iyo waliba gobolka Mudug oo dhan.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ing Camey ayaa markii amaray in shaqada laga joojyo dhammaan hay’adaha ka howlgalla magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug ee laga maamullo koonfurta.

CAJIIB imisa ayey Warbaahinta Puntlandes ay Xaqiiqda ka jirta Gobolka iyo xaruntiisa soo tabisay!! ma saxbaa in ay dawlada Puntland ogayn arintan? haddiise ay dhacdo yey dawlad u tahay?

Waxaa loo bahan yahay in runta la isku sheego waxa badan ee inag qaldana aynu ka wada shaqayno sidii aynu ku sixi lahayn!

Sawirkan hoose wuxuu ku tusayaa Maafiyonimada ka jirta GAALKACYO waa hooyo biilka caruurteeda kala soo baxda wax yar oo ay Suuqa ku gado. Bal arag Xaalkeedu siduu yahay haddaad REER MUDUG DAMQANAYA TAHAY. Rag BAAD ay CANSHUUR ku magacaabeen subax walba ka qaata maxay ka qabteen dhibka Hooyadan haysta?

17

19

Puntlandes.com

About The Author