Daawo Video: Naxariisdarada Xukuumada Gaas iyo Dhabaatada shacabka Galkacyo haysata!!

Waxaa maanta sii maray magaalada Gaalkacyo si ay uga duulaan Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka Puntland Ing Camey, wuxuuna noqonayaa wafdigii ugu horeeyey ee yimaada Magaaladaas inta ay Rooban Mahiigaan ah oo khasaare aad lixaad leh gaarsiiyey Shacabka magaalada Gaalkacyo iyagoo Qoysas farabadan ay ilaa iminka haysan meel ay u hoydaan maadaama ay ka Qaxeen guryahoodii.

Warbaahinta Puntlandes ayaa maalmihii u dambeeyey faafinaysay dhibaatada baaxada wayn ee ay Roobabkaasi ku keeneen magaalada Gaalkacyo. waxaa la oran karaa Guud ahaan reer Puntland gaar ahaan reer Gaalkacyood waxaa ku dhacay maamulxumo tii ugu Xumayd oo uu SABAB U YAHAY madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Isagoo aanba kala jeclay dhibaatada ku dhacday shacabka uu madaxweynaha u yahay canshuurtii laga uruuriyeyna ku degen HTEL 5 Star magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyadoo ay caawa u tahay habeenkii 5aad ee uu Gaas ka maqan yahay Puntland lana filayo in safarkiisu qaata labo Todobaad in ka badan wuxuuna tegayaa Xamar, Talyaaniga hadana ku sugan yahay Kenya. Waxaa laga yaabaa inuu Gaas meelo kale iska sii aado.

Naxariis la’aan UUBATO maamul sheegata oo dadka Gaalkacyood BAAD ay Canshuur ku tilmaamaan ka gurta dabadeedna Qaybsada oo aan waxba magaalada dib ugu soo celin, eeg sawirka Hoose:

17

 

Waa hooyo reer Gaalkacyood ah ayna Subax kasta BAAD ay Canshuur ku tilmaameen ay ka qaataan kuwa isku sheega maamulka Gobolka iyo Magaalada Gaalkacyo. Waxaad sawirka ka arkaysaa maadaama ay Biil uga baahan yihiin caruurteedu in ay ku qasbanaatay halka aad sawirka ka aragtaan in quud usoo doonto, wxaa ka sii Murugo badan mid aan waxba reebay ee Cunaya waxa uu Hooyadaas magaca Canshuur ugaga soo qaaday, Subxaanalah.

Shacabka reer Mudug goormay dantooda garanayaan? Goormay qaarka difaacaya kwa Hooyadaas waxa ay ka qaadeen Cuna xaqiiqda iyo Allah ka cabsi u noqonayaan? Hadaa bay sidoodii oran Jifo heblaa loo socdaa war goormaydin garan Waxa idinka dhaxeeya iyo waxa dantiinu tahay? War goormaad Xaqa u hiilinaysaan? Goormaad wanaagiina ka shaqaynaysaan? Ogaada haddii aad maskaxdiina iyo Gacmihiina isku gaysaan in aysan Hooyadaasi halkaas fadhideen, magaaladiinuna sidaas ahaateen?

Hoos ka daawo Xaafado ka tirsan Gaalkacyo oo Qoysaskii degenaa ay ka Qaxeen:

Daawo Videow Camey oo ka dhoofaya Gaalkacyo iyo siday magaaladu u egtahay

Puntlandes.com

About The Author