Wasaaradda Arrimaha Dibadda “Safiirkii hore, Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, ma lahan wax waajibaad shaqo oo diblomaasiyadeed ee loo igmaday”

01 May 2022 (Puntlandes) Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay war saxaafadeed ka soo saartay Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey dalka Talyaaniga Cabdiraxmaan Sheekh Ciise oo wali u shaqaynaya safiirnimo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku eedaysau Safiirkii hore amar-diiddado, waxayna Qoraalka ku sheegtay inuu diiday inuu dalka ku soo noqdo si wax looga weydiiyo hab-dhaqankiisa shaqo, muwaadiniinta lagu dhibaateeyey dalka Talyaaniga, eedaha laga soo gudbiyey ee ku saabsan ku takrifal awoodeed iyo maamul xumo dakhliga Safaaradda.

Hoos ka akhriso Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda

War saxaafadeed (faafin degdeg ah)

Muqdisho, Soomaaliya

May 01, 2022

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay qoraal rasmi ah u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Talyaaniga 02 bishii hore ee April taas oo lagu soo celiyey safiirkii hore Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, laguna magacaabay Mudane Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur, oo ah diblomaasiyiinta Wasaaradda kuwooda ugu khibradda badan, asagaana ah Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Rome inta laga soo magacaabayo Safiir cusub.

Safiirkii hore, Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, ma lahan wax waajibaad shaqo oo diblomaasiyadeed ee loo igmaday, sidoo kalena kuma leh wax kaalin shaqo ah bahda Diblomaasiyadda Soomaaliyeed, wuxuuna xilligan yahay muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Talyaaniga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa dhowr jeer u yeertay Safiirkii hore inuu dalka dib ugu soo laabto si wax looga weydiiyo hab-dhaqankiisa shaqo, muwaadiniinta lagu dhibaateeyey dalka Talyaaniga, eedaha laga soo gudbiyey ee ku saabsan ku takrifal awoodeed iyo maamul xumo dakhliga Safaaradda, balse wuu diiday dhammaan baaqyada loo diray, kuwaas oo qaar ka mid ah ku taariikhaysnaayeen 11/12/2021 , 27/12/ 2021, 09/01/2022 , 17/03/2022, 28/03/2022 iyo 02/04/2022.

Qoraallada sare waxay caddayn u yihiin in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee JFS qaadday wax walba oo lagu xallin-karay amar-diiddada danjirihii hore, balse lagama maarmaan noqotay in la maro jid walba oo lagu ilaalinayo danaha Soomaaliya, sidoo kalana lagu dhowrayo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya JFS iyo Jamhuuriyadda Talyaaniga ee aan saaxiibka nahay.

Dhanka kale, wararka lagu faafiyay Warbaahinta Talyaaniga ee tibaaxaya in Safaaradda Soomaaliya afgambi ka dhacay, waa wax kamajiraan aan sal iyo baar midna lahayn, kuwaas oo ay faafiyeen danjirihii hore iyo shakhsiyaad leh dano gaar ah, iyagoo ku howlan in ay dhaawacaan xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya kala dhexeeya Jahmhuuriyadda Talyaaniga.

Danjirihii hore Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, waxaa lagu amray in uu Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Talyaaniga u celiyo taariikhdu markii ay ahayd 06/04/2022 Aqoonsiga diblomaasiyadeed (Diplomatic Card), ilaa iyo haddana wuu diiddan yahay, taas oo tilmaan u ah dhammaan eedaha loo soo jeediyey oo meel ka dhac ku ah curfiga Diblomaasiyadda.

Jaaliyadda iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Talyaaniga waxaa lala socodsiinayaa in Safaaraddu howsheeda si caadi ah u socoto, looguna adeegi doono si degdeg ah.

About The Author