Sawirro: Guddiga FEIT oo Gudoomiyaha Golaha Shacabka ku wareejiyey xogta Doorashada Xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS

01 May 2022 (Puntlandes) Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT oo hormuud u yahay Guddoomiye Muuse Geelle Yuusuf kuna weheliyaan Guddoomiye Kuxigeenka guddiga Mudane Mowliid Mataan Salaad iyo xubno kale, ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur(Madoobe).

Kulanka ayaa daarranaa Warbixinta doorashooyinka iyo dhammeystirka kuraasta ku dhimman Hirshabeelle iyo wareejinta xogta Doorashada Xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS.

Guddiga ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha inuu si nabdoon ku dhammeystiro doorashada Madaxweynaha iyo sida ay muhiim ugu tahay waddankeenna dhammeystirka doorashada oo ay ku xiranyihiin dhammaan kaabayaashii horumarinta dalka.

About The Author