Axmed Karaash oo ku amray Wasiirka Maaliyadda inuu xilka u kala wareejiyo Agaasime ku-xigeenka dakhliga

01 May 2022 (Puntlandes) Ku-simaha Madaxweynaha dawladda Puntland isla markaasna ah madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ku amray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dawladda Puntland Xasan Shire Abhgaal inuu xilka u kala wareejiyo Agaasime ku-xigeenkii hore ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasimaha cusub ee uu dhawaan xilkaas u magacaabay.

Axmed Karaash ayaa wasiirka u qabtay ugu dambayn 4ta bishaan oo ku beegan maalinta Arbacada inuu u kala wareejiyo isagana soo siiyo warbixin la xiriirta kala wareejintaas.

About The Author