Akhriso: Liiska hadal jeedinta musharaxiinta xilka madaxwaynaha Soomaaliya oo la shaaciyey

Filed under: Wararka maanta |

10 May 2022 (Puntlandes) Guddiga isku dhafaka ah ee doorashada madaxweynaha ayaa soo saaray liiska hadal jeedinta musharaxiinta xilka madaxwaynaha Soomaaliya, kaas oo sida la shaaciyey ay u kala horeeyaan xarfaha magacoodu ka bilaabanayo.

20 musharax ayaa berri hadal jeedinta ku qoran halka maalinta xigtana ay yihiin 19 musharax, taas oo isugayn ah 39 musharax inay u tartamayaan xilka madaxweynaha Soomaaliya.