Daawo Muuqaal: Xisbiyada WADDANI & UCID oo magacaabay gudi madaxbanaan oo ka shaqayn doona qabanqaabada xuska 18 may iyo arimo….

14 May 2022 (Puntlandes) Xisbiyada WADDANI iyo UCID ayaa waxay magacaabeen gudi madaxbanaan oo ka shaqáyn doona qabanqaabada xuska 18 may oo ay xisbiyada mucaaridku gaar u qaban doonaan.

Dhanka kale gudoomiyayaasha Xisbiyada ayaa ka hadlay xaalada guud ee Somaliland iyo ka cagjiidka madaxweyne Muuse Biixi uu ka cagojiidayo qabashada doorasha.

Gudoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaaa yri “ Muuse Biixi agfaadhisan mayno xaflada 18 May , isagabu markuu mucaaridka ahaa waligii riyaale Muu ag fadhiisan, anagana wax nagu khasbaya in aanu isaga agfadhiisano oo halkuu joogo aanu ugu tagno ma jiraan.”

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe  ayaa yiri “Maanta Anigaa Ku Leh Aniga Oo Wax Dili Kara Urur Iga Dhigi Maysid Ee Sharciga Ku Soo Noqo”

Xirsi Cali Xaaji “ Muse Bixi agfaarisan mayno xaflada 18 May isaguba Riyaale Muu agfariisan”

About The Author