Daawo Muuqaal: Habraaca Amniga Doorashada Madaxwaynaha iyo sharuudaha laga rabo Xildhibaannada, Musharraxiinta iyo ka qaybgalayaasha

14 May 2022 (Puntlandes) Guddiga isku dhafka baarlamaanka ee doorashada madaxweynaha oo wada diyaar garoowgii ugu danbeeyay ee doorashada madaxweynaha ee dhacayso maalinta berito ah ayaa soo saaray amaro.

Ugu horayn guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka ee Doorashada Madaxwaynaha Mudane Cabdiqani Geelle Maxamed oo faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay ayaa farriin u diray Bulshada iyo daneeyayaasha Doorashada.

Xildhibaan Maxamed ibraahin Macalimuu oo ah xubin ka tirsan Guddiga Baarlamaanka ee Doorashada Madaxwaynaha aayaa isna dhankiisa shaaciyey habraaca Amniga Doorashada Madaxwaynaha iyo sharuudaha laga rabo Xildhibaannada, Musharraxiinta iyo ka qaybgalayaasha.

About The Author