Doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo goor dhosw ka bilaabanaysa Teendhada Afisyooni

15 May 2022 (Puntlandes) Waxaa goor dhow ka bilaabanaysa Teendhada Afisyooni ee ku taala xerada ciidanka doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, iyadoo ay xilkan u tartamayaan ilaa 35 musharax.

Amniga guud ee Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana xalay ka dhaqan galay caasimadda Bandow soconaya ilaa caawa, waxaana gaadiidka iyo shacabka ka xiran wadooyinka magaalada, iyadoo wadooyinka lagu arkayo oo kaliya gaadiidka ay ciidamadda amniga isticmaalayaan.

Inta badan musharixiinta, xildhibaanada labada Aqal, marti sharaf lagu casuumay oo ay ku jirto Beesha Caalamka ayaa ku sugan Teendhada Afisyooni iyadoo ay iminka saacadda Muqdisho tahay 12:30 duhurnimo.

Waxaan ilaa iminka soo gaarin Teendhada madaxweynaha iminka ahna musharax Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

About The Author