Wakiilada Beesha Caalamka oo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub

16 May 2022 (Puntlandes) Warsaxaafadeed ay soo saareen saaxiibada Soomaaliya ayey ku waxay u hambalyeeyeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay Baarlamaanka Soomaaliya ku doorteen magaalada Muqdisho.

Hoos ka akhriso Warsaxaafaeed:

16 May2022: Saaxiibada caalamka oo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud

Muqdisho – Saaxiibada Beesha caalamka* ee Soomaaliya waxay Xasan Sheekh Maxamuud ugu hambalyeeyeen doorashada loo doortay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaan Madaxweynaha xilka ka sii degaya Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ uga mahadcelineynaa sida uu u fuliyay dhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya isagoo si dhakhsa ah u aqbalay natiijada doorashada, una ballanqaaday inuu garab taageeri doono madaxweynaha dhaxli doona.

Waxaan u mahadcelineynaa hoggaanka Baarlamaanka Soomaaliya iyo hawlwadeennada xirfadleyda ah, xubnaha Guddiga Wadajirka ah ee qabanqaabada doorashada Madaxweynaha, iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed iyo Howlgalka Kalaguurka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya sida ay u hirgeliyeen qabsoomidda doorasho Madaxweyne oo habsami leh, nabdoon oo ammaan ah.

Annanga Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya waxaan weli ku taaganahay ballanqaadkeenna aan u hayno Soomaaliya. Waxaan rajeyneynaa inaan fahamno arrimaha hortabinta u leh Madaxweynaha cusub si aan uga wada shaqeyno horumarinta nabad, barwaaqo iyo dowladnimo suuban oo ka hanaqaada Soomaaliya.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Shiinaha, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

About The Author