Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada

17 May 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan salaan iyo is-xogwaraysi ah la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka uga mahad celiyey doorkoodii wax-ku-oolka ahaa ee ay ka qaateen qabsoomidda doorashooyinka dalka oo gundhig u ah xasilloonida iyo horumarka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Dhankooda, Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud hambalyo ku aaddan guushii uu ka gaaray doorashada, iyaga oo Alle uga baryey in uu u fududeeyo masuuliyadda loo doortay.

About The Author