Sawirro-Muuqaal: Rooble oo shirkii golaha wasiierada ku ansixiyay Xeerar kana hadlay Farmaajo iyo doorashada Xasan Sheekh

19 May 2022 (Puntlandes) Shirka Golaha Wasiirrada XFS oo uu maanta guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda, Hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka islaamiga ah.

Roble ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub Mudane Xassan Sheekh, isagoo Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay madaxda ugu duceeyaan in uu Eebbe ku guuleeyo howsha qaran ee loo igmaday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale u mahadceliyay madaxweynihii hore Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo uu sheegay in ay si wanaagsan u soo wada shaqeeyeen, isla markaana aysan jirin xumaaan shakhsi ah oo ka dhaxaysa marka laga reebo inay doorashada ku kala aragti duwanaayeen, ayna jireen dad khilaafkooda sii hurinayay.

About The Author