Golaha wakiilada Somaliland oo diiday ansixta 3 xubnood oo ka mid ah 7 xubnood ee guddiga diiwaangelinta Ururada

23 May 2022 (Puntlandes) Xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland ayaa cod ay mid mid ugu qaadeen waxay diideen ansixinta 3 xubnood oo ka mid ah 7 xubnood ee guddida diwaangalinta ururada siyaasada, iyagoo ansixiyey 4 xubnood.

Saddexdan xubnood ee ay Golaha wakiilada diideen ayaa kala ah:

  1. Gudoomiyaha Guddida diwaangalinta ururada siyaasada

2. Gudoomiye ku xigeenkii Guddidaas

3. Xubin ka tirsan Guddida diwaangalinta ururada siyaasada

Dhamaan xubnahan ayaa helin codadkii kalsoonida ahaa ee ay uga baahnayeen Golaha wakiilada Somaliland waxaana u codeeyey midkiiba 41 Xildhibaan.

4ta Xubnood ee kale ayaa iyagu ka gudbay ansixintii golaha wakiilada waxaana ay gaadheen codadkii kalsoonida ee loo baahnaa iyada oo ay u codeeyeen 43 Xildhibaan.

Xubnahan la diiday in la ansixiyo waxaay dib ugu noqon doonan madaxweynaha Somaliland oo isagu hore u soo magacaabey

About The Author