Sawirro-Muuqaal: Madaxweyne Deni oo lagu soo dhoweeyey Garowe kana hadlay doorashadii DFS iyo …

31 May 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo, ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay maanta magaalada Garowe.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay guud ahaan xaaladda dalka gaar ahaan Doorashadii Madaxweynaha JFS ee dhowaan ka dhacday Muqdisho, isagoo sheegay in Puntland ay ku faraxsantahay Doorashada iyo siday u dhacday nabadna ugusoo dhammaatay, wuxuu Madaxweynuhu xasuusiyay Bulshada in markasta oo Doorasho dhacdo dadku is qoonsado, Balse reer Puntland Sidii lagu yaqaanay waa inay hore uga socdaan, laysna cafiyaa oo aan dib la eegin.

Soo dhoweynta Madaxweynaha waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Xildhibaano, Wasiiro, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan Degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garowe.

About The Author