Sawirro: Axmed Karaash oo Isbitaalka ku booqday Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud

02 July 2022 (Puntlandes) Madaxweyne Ku xigeenka dawladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa maanta Isbitaalka Qaran ku booqday Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo maalmahan ku xanuunsanaa Garowe.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa warbixin ku saabsan xaaladda caafimaad ee garaadka iyo adeegyada uu u baahan yahay ka dhegaystay dhakhaatiirta gacanta ku haysa, isaga oo uga mahadceliyey kulana dar-daarmay inay dedaal dheeri ah sameeyaan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ASW uga baryey garaadka inuu caafimaad Sareeca siiyo.

Garaad Saleebaan waxa uu kamid yahay Isimada dhaqanka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa deegaanada Puntland.

About The Author