Xildhibaanada Beesha Murusade oo ka baaqday kulan uu madaxweyne Xasan la yeeshay Xildhibaanada. Maxay tahay sababtu

31 July 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa bilaabay kulamo gaar-gaar ah oo uu la yeelanayo xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto dowlad goboleedyada dalka.

Ujeedka kulamadaan ayaa ah sidii xildhibaanada uu ugu qancin lahaa Golaha Wasiirada lasoo magacaabayo oo codkooda kalsoonida ay u sii lahaayeen.

Kulankii xalay ee Madaxweynaha iyo Xildhibaanada laga soo doorto Galmudug aysan ka soo qeyb gelin Xildhibaanada Golaha Shacabka ku metela Beesha Murusade.

Sida ay sheegeyso xogtaan xildhibaanada beesha Murusade ayaa saluugsan xulashada Madaxweynaha ee xubinta golaha wasiirrada ku meteli doona beeshaas, oo sida ay sheegeen in aan lagala tashan.

Wasiirka beesha Murusade ayaa la filayaa in la siiyo xildhibaan hore Xasan Macallin oo ka mid ah shaqsiyaadka sida aadka ah ugu dhow madaxweynaha, qeybna ka ahaa ololihii lagu doortay madaxweynaha.

Kulamadaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda la soo saaro liiska golaha wasiirrada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa wasiirada cusub ku xilanaya Damjadiidnimo iyo inay agjoogeen isaga, isagoon ku eegayn ama ku qiimaynayn wax kale.

Afar maalmood ayaa ka hartay mudadii uu Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre baarlamaanka ka codsaday inay u ogolaadaan, si la tashiyadiisa xulashada wasiirrada uu waqti dheeraad ah ugu helo.

About The Author