Fu’aad Shongole oo beeniyey in Itoobiya dishay

03 Aug 2022 (Puntlandes) Fu’aad Maxamed Khalaf oo ka mid ah madaxda Alshabaab ayaa beeniyey in lagu dilay dagaaladii ka dhacay gobolka Bakool todobaadkii hore.

Cod laga soo duubay Fu’aad oo lagu baahiyey warbaahinta Alshabaab ayuu ku sheegay inuu nool yahay uuna caafimaad qabo.

Itoobiya ayaa sheegtay maalintii Jimcihii inay dishay saddex sarkaal oo ka tirsan Alshabaab, oo ay ka mid yihiin Fu’aad Shongole iyo Af-hayeenka ururkaas Cabdulcasiis Abu Muscab.

Codka ayuu ku xusay dagaalkii ka dhacay 30-kii Juulaay magaalada Caato, iyo warka kasoo baxay Itoobiya.

About The Author