Madaxweynaha Puntland oo magacaabay taliyaha iyo abaanduulaha ciidanka daraawiishta Puntland.

31 Aug 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Siciid cabdulaahi Deni ayaa magacaabay taliyaha iyo abaanduulaha ciidanka daraawiishta Puntland.

Hoos ka akhrisi Xeerka uu madaxweynuhu ku magacaabay:

Garoowe: 31 August 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 48 ee 31-da Agoosto 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Guud iyo Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Gaas Abshir Cabdi Jaamac (London) loo magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

2. Waxaa S/Guuto Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD.

About The Author