Akhriso warmurtiyeedka shirka wasiirada wasaaradaha deegaanka & isbeddelka cimilada heer federaal & heer maamul goboleed

01 Sept  2022 (Puntlandes) Wasiirada Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa waxay kulan ku yees heen Magaalada Muqdsho.

Hoos ka akhriso warmurtiyeedka:

Warmurtiyeed ka shirka wasiirada wasaaradaha deegaanka & isbeddelka cimilada heer federaal & heer maamul goboleed.

Khamiis, 01. September.2022

Kulanka Wasiirada Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowlada Federaalka iyo Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa uu manta ka qabsoomay Magaalada Muqdsho.

Kulanka oo ujeedkiisu ahaa xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga Wasaaradaha Deegaanka ee Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka, ayaa waxaa shir guddoomiyay Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, waxaana goob joog ka ahaa Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada DFS, iyo sidoo kale wasiirada Deegnaaka ee Maamul Goboleedyada Dalka.

Kulankan oo qabsoomay maanta oo ay taarikhdu tahay 01 September 2022, ayaa waxaana la isku raacay qodobadan hoos Ku xusan:

1. Sameynta Golaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada

2. Diyaarinta guddiyo isku dhaf ah oo ka shaqeeya isku xirka wasaaradaha heer dowlad goboleed iyo heer Federaal.

3. Qabashada kulamo joogto ah si loo adkeeyo xiriirka iskaashi iyo kan howled ee Wasaaradaha

4. Mideynta Qorsheyaasha iyo Istraatiijiyaddaha ee Wasaaradaha si loo gaaro yool mideysan oo wax ku ool ah.

5. In Wasaaradda Deegaanka kormeerto goobaha ay saameeyeen Burburka Deegaanka iyo Nabaad Guurka ee Dalka.

6. Baahinta Barnaamijyada wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada dhamaan dalka iyadoo loo marayo dhigooda Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowlada Goboleedyada

7. In la wadaago xogaha muhiim ka ah ee la xiriira arrimaha Deegaanka iyo Isbeddleka Cimilada

8. Sameynta Guddi wadajir ah oo la xiriira waxkaqabashada arrimaha Degdega ah

9. Fulinta barnaamijyo wacyigelin laxariira Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada heer gobol iyo heer qaranba .

10. Mideeynta magacyada Wasaaradaha Deegaanka Heer Federaal iyo Heer MG.

11. Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Heer Federaal iyo Heer Dowlada Goboleed, waxay Baaq udirayaan Beesha Caalamka iyo Deeq Bixiyaasha in ay Soomaaliya ka taageeraan wax ka qabashada saameynta Isbeddelka Cimilada iyo Deegaanka.

Warmurtiyeedkan Waxaa si wadajir ah usoo saaray:

1. Wasiir ka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya: Marwo, Amb. Xil. Khadiija Maxamed Almakhzuumi

2. Wasiir ka Wasaaradda Deegaanka iyo Duurjoogta ee Koonfur Galbeed: Mudane, Cali Isaaq Cumar

3. Wasiir ka Wasaaradda Deegaanka, Isbeddelka Cimilada iyo Dalxiista Ee Jubaland: Mudane, Caydiid Suleiman Xaashi

4. Wasiiru Dowlaha, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Hirshabelle: Mudane, Cali Caddoow Jibriil

5. Wasiir ku xigeeka Wasaaradda Deegaanka, Isbeddelka Cimilada iyo Horumarinta reer Miyiga – Galmudug: Mudane, Cabdifataax Daahir Jaamac

6. Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada – Puntland: Mudane, Mukhtaar Cabdisalaan Suleymaan

————————DHAMMAAD————————

About The Author