Daawo hadaljeedintii MD Xasan Sheekh oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Maraykanka

18 Sept  2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Maraykanka, isagoo uga warbixiyey xaaladda dalka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa la wadaagay fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, qorshaha dowlad dhiska, la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu la kulmay, uga warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay Abaarta dalka ka jirta, la dagaalanka Alshabaab, Somaliland, xiriirka dawlad goboleedyada, xiriirka deriska….

About The Author