Madaxweyne Deni oo xilkii ka qaaday wasiiro uu ka mid yahay kii Maaliyadda

Filed under: Wararka maanta |

23 Sept  2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne oo uu soo saaray xilkii ka qaaday wasiiro uu ka mid yahay warsiirkii Maaliyadda Xasan Shire.

Deni ayaa sidoo kale xilkii ka qaaday wasiirada Cadaalada iyo Qorshaynta oo uu dhawr bilood ka hor magscaabay.

Cabdi Faarax Juxaa ayuuu madaxweynuhu u magacaabay wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyadda.

Hoos ka Akhriso xeerka

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY XUBNO KA MID AH GOLAHA WASIIRADA DOWLADDA PUNTLAND.

Garoowe: 23 September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 59 ee 23da Sibteembar 2022 kuna magacaabid Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

B Bedel

  1. Waxaa Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

T) Magacaabid

  1. Waxaa Cabdi Faarax Juxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.
  2. Waxaa Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga
  3. Waxaa Maxamed Cabdiwahaab Axmed loo magacaabay Wasiiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.
  4. Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheikh Aduun) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.
  5. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD