Golaha wasiiradda DFS oo shir ka yeeshay qaraxyadii Beledweyne

03 Okt  2022 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa shir guddoomiyey kulan looga hadlayay amniga oo si gaar ah loogu lafaguray xaaladda magaalada Beledweyne oo maanta argagixisadu ka gaysteen qaraxyo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Kulanka ayaa looga hadlay qaabkii gurmad deg-deg ah loola gaari lahaa shacabkii ku dhaawacmay weerarradii bahalnimada ahaa ee maanta ay kooxdu ku qaadeen Magaalo Madaxda Gobolka Hiiraan ee Baladweyne.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in qaraxyada kooxda nabad-diidka ah ay ka geysteen Beledweyne ay tusaale u yihiin inay u babac dhigi waayeen awoodda ciidamada kula dagaallamaya furimaha, ayna beegsanayaan shacabka birimageydada ah ee ku dhaqan magaalooyinka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay guud ahaan hawlgallada dib u xoreynta dalka ka socda iyo xaaladda guud ee gulufka ka dhanka ah kooxda Alshabaab

About The Author