Sawirro: MD Deni oo Garowe kusoo dhoweeyay wafdi uu hogaamiyo Madaxweynaha DDI oo ay qeyb ka yihiin madax Dowladda Itoobiya, Diblumaasiyiin, Isimo & Ganacsato
21 Okt 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay qeyb ka yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya, Diblumaasiyiin, Isimo iyo Ganacsato.
Soo dhoweynta waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenk koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Kan Degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe