Akhriso Ajandaha Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Puntland

27 Okt 2022 (Puntlandes) Golaha Wakiillada dawladda Puntland ayaa ku meelmariyey Ajandaha Rasmiga ah ee Kalfadhiga 51-aad, fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga.

Kulanka maanta waxaa Xildhibaannada loogu qaybiyey Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 51-aad, si waafaqsan qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada, iyada oo ay soo diyaariyeen Shir Guddoonka Golaha.

Sidoo kale Kulanka maanta waxaa Golaha laga hor akhriyey warbixinta Guddiga joogtada ah ee Kalfadhiga 51-aad, warbixintaas oo ku saabsanayd waxqabadka Guddiga joogtada ah ee muddadii u dhaxeysay labada Kalfadhi.

About The Author