Sawirro: Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxyadii Muqdisho

29 Okt 2022 (Puntlandes) Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii maanta ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Waxay wararku sheegayaan in ilaa hadda isku dar tirada dadka geeriyooday ay gaarayaan 50 qof.

Dowladda Soomaaliya, ilaa hadda sooma bandhigin tira koob rasmi oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxyadii maanta, balse warbaahinta ayaa heleysa xog aad u kooban oo ka imaaneysa goobaha caafimaadka.

Wakaaladda wararka ee AP oo soo xiganeysa qof ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalka Madiina ayaa werisay, meydadka in ka badan 30 qof in la geeyey isbitaalkaas, sidoo kale tarada dhaawacyada ee la geeyey Madiina ayaa intaas ka badan.

Isbitaalada Digfeer iyo Somali-Sudaneys ayaa sidoo kale la geeyey meydad iyo dhaawacyo aad u badan oo cid tira koob rasmi ah ku sameysay aysan jirin.

Cisbitaalo kale ayaa sidoo kale la dhigay meydadka iyo dhaawacyada dadkii wax ku noqday Qaraxyada.

Carruur, haween iyo dhalinyaro wax baratay ayaa u badan dadka ku waxyeeloobay qaraxyadaan oo ka dhacay isgoyska Soobe, xilli uu maanta aad mashquul u ahaa.

Tobanaan gaadiid ah oo Bajaaj u badan iyo goobihii ganacsiyada ee aaggaas ku yaallay ayaa burburay, halka dadkii ay noqdeen wax dhintay iyo wax ku dhaawacmay qaraxyada.

Kooxda Alshabaab oo sheegatay masuuliyada qaraxyadaas ayaa ku andacootay inay weerartay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, waxayna kooxdu ku faantay inay dishay dad gaaraya 24 qof. Labada qarax oo ka dhacay banaanka hore ee wasaaradda waxbarashada ayaa loo adeegsaday gaadiid ay wadeen kuwo naftooda haligay, mid walba wuxuu geystay khasaare baaxad leh, waxayna kooxdu bartilmaameedkeeda ku sheegtay xarunta wasaaradda.

About The Author