Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe

30 Okt 2022 (Puntlandes) Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Gorgor ayaa Alshabaab ugu daatay godadkii ay isku qarinayeen.

Qaybaha kale ee Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa iyana hawlgalkaan ka qaatay door muhiim ah.

Masaajid Cali Gaduud ayaa ahaa goob aad muhiim ugu ah Alshabaab wuxuuna si gaar ah ugu ahaa ilo dhaqaale oo ay ku uruursadaan xoolaha baadda ah ee ay ka dhacaan shacabka Soomaaliyeed.

Deegaankaan ayaa Alshabaab waxaa uga dhimatay in ka badan 100 ka tirsan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Alshabaab ah.

About The Author