Puntland Oo Badbaado U Baahan. W/Q Dr Mohamed Othman Haji

Maqaalkan waxaan ku faaqidi doonaa Marxaladihii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee Wadanku wajahay dhanka Siyasadda Ammaanka iyo Dhaqaalaha, waxaana kusoo bandhigayaa dhacdooyin ubaahan talo iyo kuwa ubaahan in laga fogaado kuwaasi khatar ku ah dalka.

Maqaalkani maahan mid mucaaradad ah balse waxaan doonayaa inaan fakarkayga ku cabiro sida ugu sahlan uguna xaqiiqsan ee wadanka lagu badbaadin karo loogana sari karo dhibaatooyinka kajira iminka.

SIYAASAADDA

Ilamaa iyo intii xilka uu qabtay madaxweyne Gaas 8 January-2014 waxaa dalka lasoo darisaday marxalado aad u qalafsan oo dhanka siyaasadda ah taasoo lagu eedaynayo in uu Gaas waxbadan ka fahansanayn siyaasaddii ay Puntland marasay waqtigii uu xilka qabtay iyo ka horba , runtii Puntland oo ahayd midda soomaaliya hogaan u ah markasta ayaa hadda waxay noqotay mid dib usocod ah iyadoo dhankii siyaasadda iyo beesha caalamka ka gashay baal madaw , arimaha oo dhan waxa sabab U ah siyaasadda qabowga iyo indha la,aanta ah uu gaas furay , shacabka reer Puntland oo ah shacab runtii aragti iyo fiiro dheer ayaa in badan ka walaacsan marxaladaha adag ee uu dalku ku jiro , waxayna arintaas qayb ka ah guddoonka iyo xildhibaanada iyagoo iska indha tiraya siyaasadda iyo ciyaarta uu dheelayo Gaas , taas oo ah mid aysan ka samayn wax la xisaabtan iyo u yeerid toonna, xukuumadda Gaas uu hogaaminayo waa mid ku fashilantay siyaasaddi guud ahaan ay dalka ku hagi lahayd .

Awooda dhanka Maamul Ee Gaas:

Midda uga yaabka badan ayaa ah in Gaas uusan shaqayn waraqda shaqo ka fariisinta uu shaqsi ku samaynayo , “Gaas oo noqday madaxweynihii Puntland soo maray oo waraqda shaqo joojin uu qoro ay shaqayn weyday ama hirgali weyday, taas oo iyaduna ah mid ka tarjumaysa inu lahayn awood madaxweyne iyo karti toona , iyadoo ay dhacday in shaqsiyaad xilalki laga qaaday ay xilalkii ku sii shaqaynayeen ama dhag jalaq u siin shaqo ka joojinta Gaas, isagoo hadana sameeyey regretooyin kale oo xilka ka qaadis ah , taas oo caddayn u ah in gaas u yahay shaqsi qaroolkiisu shaqayn ee magac u yaal ah” .

Hadaba maxaa la gudboon shacabka iyo siyaasiyiintii iyo odayaashii haldoorka uu ahaa Dhisitaanka iyo yagliilidda Puntland ?

Waxaa lagudboon shacabka siyaasiyintii iyo odayaashii Puntland haldoorka uu ahaa inay dalka badbaadiyeen waayo haddii dalku kusii socdo siyaasaddan uu mugdigu hareeyey ma noqonayso Puntland mid tiigsata hormaradii ay ku taami jidhay , taas oo badalkeedu noqon doono dib usocod iyo bur bur ku yimaada nidaamkii quruxda badnaa ee shaacabka Puntland muddo ku taamayeen ayna soo dhisayeen, Puntland waa hooyada soomaliya , haddii Puntland ay duntana soomaliyana warkeeda daa, Puntland waxay marisaa sanadkii 17 sano jirsatay manta waxa ay u baahantahay cid sii wada hormaradii kala duwanaa ee ay kusoo tilaabsatay mudadii ay jidhay , waayo Dalku hormar ayuu u baahanyahay ee dib u dhac uma baahna iyo hanta boob midkoodna.

DHAQAALAHA.

Puntland waa dhul qaniya kuna ah qani qaybaha kala duwan ee ilaahay ku manaystay sida xoolaha , Badda oo ay kasoo dagaan maciishadda kala duwan ee shacabka puntland ku noolyahay , waana meesha kaliya ee dakhliga ugu badan uu Puntland kasoo galo , waana nasiib darro in ilaa sanadkii u dhamaday xukumadda uu garwadeenka ka yahay Gaas in wax lacagaa aysan ku dhicin Account Bankiga ee caashuurta bariga iyo badaba taas oo ay noqotay mid shaqsiyaad ay lacagaas akoomadooda ku dhacaan , meeshi lacagacaas lagu dabiri lahaa caqabadaha, iyo musharaadka ciidanka Puntland, waxaan wada ogsoonahay in ilamaa 10 bilood iyo ka badanba aysan ciidamada Puntland aysan qaadan wax mushaharaad ah taas oo mid yaan darro ah sababna u ah in amaanka puntland sii xumaado , “ Halkee lacagtaas aaday ama ku baxdaa ?

“lacagaha kasoo baxa ilaha dakhliga puntland waxay aadaan 90% akoomo gaar loo leeyahay iyadoo dalka ay joogaan boqolaal diyaasbaro ah kuwaas oo aan wax xilal ah hayn balse loo qabo wax walboo qarasha , sidoo kale lacagaha waxay ku baxaan xaflado badankood kuwaas oo magacyo kala duwan hadba loogu yeero , iyadoo ay ku baxaan %100,000 xafladda ugu yar qarasha taas oo ku caanbaxday xukuumadda Gaas“

Dhaqaalaha soo gala Puntland waa dhaqaale la tartami Kara dawladaha dariska nala ah waa haddi sidii ku haboonayd loo adeegsado sida:

Hormarinta arimaha Bulshada.
Hormarinta dhanka caafimadka.
Hormarinta dhanka waxbarasha.
Hormarinta bilicda dhammaan magaaloyinka Puntland.

Maxaa sabab u ah lacagaha lagu takri falo ?

1. La xisaabtan la’aan dhanka golaha baarlamanka, maadama golaha Baarlamanka laga rabay xisaabtan sameeyaan hadba meesha uu ku baxo dakhliga dalka soo gala.
2. Hanta dhawr madax banaan oo aysan lahayn Puntland kaas oo dabagal iyo la xisaabtan ku samayn lahaa dhammaan meelaha iyo goobaha ay kaso galaan ilaha dhaqaale, iyagoona ogaan Kara meesha ku baxaaan iyo sida lagu bixiyey intaba.
3. Dalka oo lahayn bangi guud oo ay kusoo dhacaan dhamaan lacagaha soo gala dalka guud ahaanba.

SIDEE LACAGAHA SOO GALA DAWLADDA LOO XAKAMAYN KARAA?

Waxaa lagu xakamayn karaa haddii la helo arimahaan soo socda:

Iyadoo la sameeyo guddi ku sameeya daba gal dhaqaalaha soo gala guud ahaan dalka.
In lacagaha Dawladda kasoo gala caashuurta kala duwan ee dalka in ay toos u aaddo bangiga dhexe ee dawladda.
In la sameeyo guddi khuburo ah oo ku sameeya daba gala meesha ay ku baxaan lacagaha kala duwan ee dalka soo gala.
In la sameeyo guddi ka shaqeeya bangiga dawladda kuwaas oo sanadkiiba mar soo gudbinaya xisaabta guud ee soo gashay bangiga, iyagoo warbxin kasoo diyaarinaya meshii ay lacagaha ku jira mahan inta kale ay aaday mudadaas.
In wasiirka maaliyadda lagu sameeyo la xisaabtan buuxa 6 bilood mar uuna hor yimaado Goloaha Baarlamanka Dawladda Puntland, siduu uga war bixiyo dhaqaalaha dalka mesha u marayo iyo sida loo isticmaalay intaba.
In ciidamada halyeyada Dawladda Puntland loo sameeyo misaaniyad cad oo ay ku leeyihiin dakhliga soo gala dalka, lana siiyo mushaharaadkooda bilawga bil walba .

Amniga Puntland

Puntland oo ahayd maamulka kaliya uu ka jiray nidaam amni oo la isku halayn karo ayaa sanadkii iyo bilaha uu gaas hayay xilka waxaa Puntland ay gashay mar xalad amni xumi taas oo keentay in saraakiil iyo taliyaal la beegsado lana khaarijiyo , iyadoo ay jiraan weerarro kafool kafool oo ay soo qaadayeen kooxda alshabab ee ku jira buuraha galgala.

falaka amni xuma taas kuma eka wax yaalaha ka dhacay Puntland iyadoo sidoo kale uu gaas xilalkii ka qaaday taliyaal ciidan , taas oo iyaduna noqotay caqabad kale markii taliyaasha xilalka laga qaaday oo kala ah muxiyadiin oo ahaa taliye ku xigeenka Police ka iyo C/yare oo ah taliya PIS inay magaalada ay khalkhal amni ka abuureen iyagoo tikniko iyo ciidamo badan magalada ku dhex maraya , iyadoo habeenada qaarna magalada ay ka dhacaayan hub ama rasaas goos-goos ah , taas waxay daliil u tahay in C/wali gaas usan awood badan ku lahayn xakamaynta arintan , madama taliyaasha uu xilka ka qaaday ay kasoo jeedaan Nugaal ayna haystaan baaburtii iyo hubkii dawladda.

Hadaba Mudadii uu xilka hayey c/wali Maxamed Cali gaas waxaa dhacay falal badan oo amniga lid ku ah dilal iyo dhaawacyo loo geystay masuuliyin iyo Shacab hadaba waxan kaso qadanay dhacdooyinkaa qayb kamid ah:

lasoco Qaybta labaad ee maqaalka oo ka hadali doonta
Amni xumida dalka.
Muranka Gobalka Mudug iyo maamulka Goballada Dhexe.
Fashilka shirka wadatashiga Beelaha Puntland.

Talo kusucota Isimada Puntland
Gabogabo.

http://somali.raxanreeb.com/2015/05/puntland-oo-badbaado-u-baahan-wq-dr-mohamed-othman-haji/

89

WQ: Dr Mohamed Othman Haji
Email: mohamedcadde78@gmail.com

Daabacaadii puntlandes.com

About The Author