Tusmo Sicireedka Adeegatada Puntland (Consumer Price Index): Tirooyin iyo siyaasado

Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga Puntland waxay  dhowaan soo saartay tusmo sicireedka adeegatada (Consumer Price Index). Tusmada oo ku salaysan isbarbardhigga sicirrada badeecooyin kala duwan oo uu dadku iibsado laga soo billaabo sanadkii 2005tii.

Puntland waxay yeelatay seddex maamul laga soo billaabo sanadkii 2005tii  hase ahaatee waa seddexdii bilood ee  sanadkan (2015) marka sicir-bararku kordhay boqolkiiba 112.52.

Tusmadu waxay muujinaysaa inay jiraan labo ilood oo uu sicir-bararka Puntland yimaado:
1- Warshadaha lacagaha daabaca ee Puntland oo maamulka Puntland uu xiray sanadkii 2008.
2- Isbedbeddelka sicirrada shidaalka   xagaagii 2008.

Way jirtaa in maamulkii hore ee Puntland  xiray warshadihii lacagta daabici jiray, weydiintuse waa: waa  maamulkee? Ma maamulkii jiray 2008 ee Cadde Muuse mise maamulkii Faroole oo talada la wareegay Janaayo 2009kii?   Hadduu maamulkii Faroole  yahay kan xiray  warshadihii lacagta, cilmibaarayaasha Wasaaradda Qorshayntu u  xilsaartay diyaarinta  tusmo sicireedka adeegatada, oo ay ka mid yihiin Bare Sare Maxamed Siciid Samatar iyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali, waxay libin uusan lahayn siiyeen madaxweynihii Faroole ka horreeyay.

Tusmadu waxay tilmaamaysaa inuu jiro suuq lacagta qalaad oo furfuran, kana kooban laba qaybood: mid ku salaysan heerka sarrif ee suuqa  iyo mid heerkiisa sarrif aad loo sarraysiiyay oo loogu talogalay  wax kala iibsiga dowladda.

Waa horumar wanaagsan oo ku soo kordhay cilmibaarista dhaqaalaha Puntland. Way fiicnaan lahayd in cilmibaarayaashu ka jawaabaan su’aalaha siyaasadeed oo ay tusmadu abuurtay.

Source: http://mopicplgov.net/Puntland%20CPI-I%202015.pdf

http://puntlandpost.net/tusmo-sicireedka-adeegatada-puntland-consumer-price-index-tirooyin-iyo-siyaasado/

W.Q: Liibaan Axmad
libahm@icloud.com

About The Author