Siyaasiyiin walaac ka muujiyey doorashada uu Puntland kawado Deni kuna baaqay….

05 Dec 2022 (Puntlandes) Siyaasiyiin Warsaxaafadeed kasoo saaray caasimadda Puntland ee Garowe ayaa walaac xoogan ka muujiyey doorashada uu garwadeenka ka yahay madaxweynaha Puntland Siciid cabulaahi Deni, waxayna ku baaqay in doorashada uu hirgeliyo madaxweynaha la dooran doono 08da janaayo 2024.

Siyaasiyiinta ayaa Warsaxaafadeed ku yiri “Kudladda siyaasiyiinta ee samatabixinta doorashooyinka Puntland waxay si weyn uga walaacsan yihiin qorshaha guracan ee Madaxweyne Deni”

Waxay kaloo Warsaxaafadeedka ku dheheen ”nidaamka hada socda maahan kii bulshada Puntland muddo dheer sugaysay oo Puntlanderku ku helilahaayeen xuquuqdooda siyaasadeed, waxaan soo jeedinaynaa in nidaamka Asxaabta badan hirgalintiisa lala sugo Dawlada imaan doonta 2024″

About The Author