Sawirro: Wasiirka Maaliyada Puntland oo kulan la qaatay Xisaabiyayaasha Wasaaradda Maaliyada ee gobaladda Puntland

06 Dec 2022 (Puntlandes) Wasiirka Wasaarada Maaliyada Dowladda Puntland Mudane. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa maanta kulan la qaatay Xisaabiyayaasha Wasaaradda Maaliyada ee gobaladda Puntland.

Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Ku-simaha agaasimaha guud, ku-xigeenka Agaasime guud ee dakhliga iyo hawl wadeeno kale oo katirsan Wasaarada Maaliyada ayaa lagu falanqeeyey dardargelinta shaqooyinka kala duwan ee Wasaaradda Maaliyada ee ka socota gobaladda.

Xisaabiyayaasha Gobalada ayaa soo bandhigay wax qabadkooda iyo qorshayaashooda shaqada, waxayna masuuliyiinta wasaaradu balan qaadeen inay xoojin doonaan ka war qabka iyo wada shaqaynta masuuliyiinta gobaladda ee Wasaarada maaliyada.

Wasiirka Wasaaradda ayaa ku adkeeyey xisaabiyayaasha in ay xoojiyaan kormeerka, dabagalka iyo dardargelinta dakhliga ee gobaladooda, wuxuuna Wasiirku intaas ku daray inay kulamada noocan ah la joogteyn doono.

About The Author