Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo magacaabay labadii xubnood ee dhammaystirka xubnaha maxkamadda dastuuriga ah ee dawladda Puntland

07 Dec 2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha golaha wakiillada dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jabriil ayaa magacaabay labadii xubnood ee ka dhimanayd dhammaystirka xubnaha Maxkamadda dastuuriga ah ee dawladda Puntland.

Maxkamadda dastuuriga ah ee dawladda Puntland ayaa ka koobnaan doonta 9 xubnood oo 5 gudoomiyuhu uu jiro ay ka imaanayaan Maxkamadda Sare halka labo xukiuumadu magacaabayso, labada kalena Baarlamaanka sidaas ayeyna ku dhamaystirmaysaa markii ugu horaysay intii ay Puntland jirtay.

About The Author