Sawirro: Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo soodhaweeyey xukunka maxkamada ciidamu ku riday 2 shabakadood oo kamida Alshabaab

13 Dec 2022 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali ayaa soo dhaweeye Xukunka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Gobolka Mudug ee Puntland ay ku riday 4 kamida inka badan 40 qofood oo loo hayey kiisas la xiriira Alshabaab.

Gudoomiyaha ayaa yiri “ Waxaan soodhawaynayaa Xukunka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Gobolka Mudug ee Puntland ay ku riday 4 kamida Argixisadii sida dhuumaalaysiga iyo naflacaarinimada ku layn jiray Haldoorka iyo Labeentii Magaalada Gaalkacyo iyo kuwo walxaha qarxo oo aad ufarabadan soogaliyey ugu danbayntiina aan gacanta ku soodhignay, waxaan Bogaadinayaa Shaqada culus ee Maxkamada Ciidamadu ka wado Gobolka Mudug iyagoo sii wadi doona Xukunka eedaysanayaasha oo wali qaar badani dhimanyihiin.

Xukun kan waxuu fariin adag udiraya kuwa ku dhuumaalaysanaya gudaha Magaalada walina maskaxdoodu ka guuxayso inay siidaadiyaan dhiiga Qof mu’mina waxan idin leeyahay maantaad jaanis haysataan aan waligiis idin soo mari doonin ee Gacanta Dowladda isku soodhiiba intaanu Ciidamda oo garanaya goobahaad ku dhuumanaysan aanay idin sooqaban, halmidna haku fakerina inaad inta Qof Muslima dishaan aad si nabada ku joogtaan Magaalada.

Bulshadana waxan ugu baaqayaa inay soo sheegan cid kasta oo ay Amnidaro ku tuhmayaan, waa mahadsantihiin “

Kooxdaan ay Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee gobolada Mudug iyo Cayn ay maantay xukumo kala duwan ku riday ayaa ku eedaysnaa dilkii allaha u naxariistee Nabadoon Cabdiqani Xasan Waloore iyo 2 nin oo lagu qabtey walxaha Qarxa.

About The Author