Sawirro: Aadan Madoobe oo shaaciyey xiliga la qabanayo shirka dib u heshisiinta KGS

17 Dec 2022 (Puntlandes) Wada-tashiyadii shirkii dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed uu ku baaqey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maalmahan ka socdey magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo ayaa lasoo gaba-gabeeyey.

Gunaanadkii kulamadii uu la yeeshey gudoomiyaha Golaha Shacabka, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada waxey isla qaateen:

1- In dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida.

2- In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer (fedaraal iyo dowlad goboleed) si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada si looga xoreeyo dalka kooxaha Khawaarijta.

3- In laga wada-shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.

4- In sida ugu dhakhsiyaha badan Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu u soo magacaabo guddi heer farsamo oo ka shaqeeya dar dar galinta shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta heer farsamo.

5- Furitaanka shirka waxaa loo asteeyey 5-ta Janaayo 2023-ka kaas oo ka dhici doona Baydhabo.

6- Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ayaa ka mahad celinayaa soo dhoweyntii diiraneyd ay u sameeyeen madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed.

About The Author