Sawirro: Urur Siyaasadeedka MIDEEYE oo shir ballaaran uu uga hadlay carqabadaha ku xeeran Doorashada ku yeeshay Bosaso

24 Dec 2022 (Puntlandes) Gudoomiyah Urur siyaasadeedka MIDEEYE Daahir Xaaji Khaliif , Generaal Asad Cismaan iyo masuuliyiin kale oo iyana katirsan aasaasayaasha Ururka ayaa Boosaaso kullan kula qaatay howlwadeenada 18- xafiis oo ururka ku leeyahay Boosaaso .

Intii uu kulanku socday masuuliyiinta ayaa howlwadeenada xafiiska la wadaagay daruufaha ku xeeran qabsoomidda Doorasho daahfuran iyo halka urur ahaan ay ka taagan yihiin weli ka qayb-noqoshada Doorasho qabsoonta iyadoo weli ay jirin qodobo laysla ogol yahay lana meel marin 13-kii qodob ee tabashada Ururadu ka qabeen .

Kulankaasi kadib waxaa loo balaamey in shirweyne shacab oo taageerayaasha ururka lagula kala war qaadanayo loona soo bandhigayo caqabadaha ku geedaaman hanaanka doorashada.

About The Author