Sawirro-Muuqaal: Xubno kamida Jaaliyada Sweden oo kormeeray Qaybaha Mashruuca Hormarinta Bursaalax

01 Jan 2023 (Puntlandes) Xubno kamid ah Jaaliyada Sweden isla markaasna ay ka mid yihiin guddiga hay`adda Read Horn of Africa ee Sweden ayaa kormeer u kuurgelid ah ku tagay qaybaha kala duwan ee Mashruuca Hormarinta Bursaalax.

Xubnahan ayaa hadalo guubaabo iyo dhiirigelin ah u jeediyey Ardayda Dugsiga Sare ee Ciro, waxayna warbixin ka dhagaysteen maamulka Mashruuca oo uu u horeeyo Maareeyaha Mashruuca Ibrahim Cabdi Warsame.

Ugu dambayntii xubnaha ayaawaxay soo kormeeree qaybaha Mashruuca oo kala ah:

1-Qaybta Waxbarasho oo ka kooban Dugsi Hoose/Dhexe, Dugsi Sare, Dugsi dadka waayan, Qaybta Farsamada kala duwan, Qaybta kollejooyin oo jiif iyo cunto leh.

2- Qaybta Caafimaadka oo ka kooban Xarun caafimaad oo bixisa 4 qaybood oo adeeg bulsho ah.

3- Qaybta Biyaha magaalada oo ka kooban mashruuc biyo galinta magaalada oo leh 4 ceel Biyood.

Xubnaha kormeeray Mashruuca ayaa kala ah C/qafar Shirre Erag, Khalafaw Axmad Aadan Gaballaax, Mahad Xuseen Calas.

Khalafow Gaballaax oo ka mid ah xubnaha ayaa yiri maruu ka hadlayey ” Waxaan aragnay ma ahayn masruuc ee waa mashaariic, waxaana mamulku naga siiyay warbixin aad waafi u ahayd”

Ugu dambayntii qaar ka mid ah Guddiga Boardka BDO oo kala ahaa Axmed Huruuse iyo Maxamed Gaaciye uuna weheliyo Yahye Askari Maxamed Calinuur ayaa xubnaha magaalada Gaalkacyo ugu sameeyey kulan soodhaweyn iyo qado sharaf ah ayna warbixin ku siiyeen.

Waxaana xubnaha Sweden oo kala ah C/qafar Shirre Erag, Khalafaw Axmad Aadan Gaballaax, Bashiir Abshir Gaas ku weheliyey , Faysal Maxamuud Ciise Xaabsay oo ka socday Jaaliyadda UK.

Hoos ka daawo Muuqaalka iyi sawirrada Booqashada iyo tii martiqaadka Boardka:

About The Author