Sawirro: Madaxweyne Deni oo kormeeray taliska guud ee ciidanka daraawiishta Puntland oo dayactir iyo dhisme ku socdo

19 Jan 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland ee 54-aad, oo ay ku socoto dayactir, dib-u-dhis, qalabeyn iyo u dhameystirada baahiyaha Asaasiga ah sida Ceelbiyoodka Xarunta.

Madaxweynaha ayaa kormeeray Qeybta Taliska Ciidanka, Xafiisyada Saraakiisha iyo Howlwadeenada oo si casri ah loo dhisay, wuxuuna warbixin ka dhegaystay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gen. Abshir Cabdi Jaamac (Abshir London) iyo Masuuliyiinta Shirkada dhismaha ee KEBARCO oo dhisaysa xaruntan.

Xarunta Taliska Ciidanka Daraawiishta ee 54-aad oo aheyd halkii lagu aasaasay Dowladda Puntland 1998, waa markii ugu horeysay ee Hab casri ah oo horumarsan loo dhisayo, iyadoo la fulinayo Siyaasadda Madaxweynaha Dowladda Puntland ee ku dhisan tayeynta Ciidamada iyo Barahooda hoggaamineed iyo Guud ahaan Xafiisyada Hay’adaha Dowladda.

About The Author