Nabadoonada Gobolka Nugaal oo Bayaan ka soo Saaray diiwaan galinta lagu muransan yahay

30 Jan 2023 (Puntlandes) Nabadoonada gobolka Nugaal ayaa gudiga Doorashada kmg ah ee Puntland iyo Wasaarada Arimaha gudaha u gudbiyey Xaashi ay saxiixeen oo ku cadeeyeen Mowqifkooda diiwaan galinta muranku ka taagan yahay.

Sodon Nabadoon ayaa dalbadey in diwaangalinta doorashooyinka golaha degaanka ee lagu muransan yahay dib loo dhigo.

Qoraalka ayay ku sheegeen in dadkii Nugaal ee reer guraaga ahaa degaano ay u hayaameen laga diwaangaliyey sida gobolka Karkaar iyo Barri.

Xukuumada Siciid Dani oo barnaamijkaan muddo kororsi ka rabtaa ayaa gabi ahaan dhagaha ka fureysatey arimaha ku xeeran diiwaangelinta iyadoo rabta ka hor kalfadhiga Barlamanka Puntland ee bisha June sameyso qorshe ay muddo kororsi ku samwysato.

About The Author