Sawirro: Maamulka Shirkadda Wadaagsan oo la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya

02 Feb 2023 (Puntlandes) Guddiga Dhismaha Dekedda Garacad iyo kan waddada Wadaagsin ee isku xirta Dekadda Garacad, Gaalkacyo iyo Galdogo ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyay Madaxweynaha halka uu marayo Mashruuca Garacad Korridor oo isugu jira:

Dhismaha Dekada Garacad, Waddada halbawlaha ah ee Wadaagsin iyo Kastamka iyo Dekadda-Qalala (dry-port) nee Tuurdibi.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa boggaadiyey hawlaha waxtarka leh ee Guddigu gacanta ku hayo isagoo tilmaamay in Mashruucan tusaale wanaagsan u yahay waxa dadka Soomaaliyeed qabsan karaan iyo doorka ganacsatadda Soomaaliyeed ka qaadan karto horumirinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in dhismaha waddada Garacad-Gaalkacyo -Galdogob uu dhawaan uu Madaxwaynuhu dhagax-dhigay inay dawladiisa ugu jirto wadooyinka hortabinta leh, ayna hirgalinteeda mudnaan gooniya siinayaan.

About The Author