Sawirro-Muuqaal: Ciidanka Difaaca Puntland ee Gobolka Mudug oo ka horyimid diiwaangalinta la isku khilaafsan yahay

06 Feb 2023 (Puntlandes) Ciidanka Difaaca Puntland ee Gobolka Mudug oo saxaafadda kula hadlay mid ka mid ah Xeryahooda ayaa ka horyimid in gobolka Mudug iyo degmada Burtinle laga hirgeliyo diiwaangalin Hubaysan ee aan heshiiska lagu ahayn.

Ciidanka ayaa sheegay inuu madaxeweyne Deni ka leeyahay Ddno gaara, islamarkaana ay Puntland gelinayso qalalaaso.

Ciidamadaan ayaa sheegay In gabi ahaanba Aysan Ogolaan doonin in diiwaangelinta laga hirgeliyo Gobolka Mudug ilaa inta laga Helayo doorasho la isku Raacsanyahay oo wada ogol ah.

Dhanka kale saaka ayaa waxaa ka dhacay caasimada Puntland ee Garowe iska hor imaad iyadoo ciidamo kaoo horjeeda diiwaangelinta ay la wareegeen goobihii loo qorsheeyey inay ka bilaabato berri oo ku beegan 7da febraayo oo guddiga doorashadu shaaciyeen inay ka bilaaban doonto gobolka Nugaal.

Kadibna waan waan ay la galeen Isimada gobolka ayaa looga saaray goobihii ay qabsadeen ciidanka diidan diiwaangelinta la isku khilaafsan yahay ee uu wato madaxweynuhu.

About The Author