Sawirro: Guddiga Arrimaha Bini’aadantinimada ee dadka kusoo barakacay dagaalka Laascaanood oo kulankoodii ugu horeeyay

09 Feb 2023 (Puntlandes) Waxaa maanta Kulankoodii ugu horeeyay Garoowe ku yeeshay Guddiga Arrimaha Bini’aadantinimada ee dadka kusoo barakacay dagaalka Magaalada Laascaanood, oo shalayto 08 February 2023 uu magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Guddiga ayaa ka wada hadlay sidii ay u dardargelin lahaayeen shaqadooda, waxaana ay isu kala qeybiyeen shan Guddi hoosaad oo kala ah : –

1. Guddiga dhaqaale ururinta ( Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf – Guddoomiye )

2. Guddiga Taakulaynta (Shiikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur – Guddoomiye)

3. Guddiga Xog ururinta iyo Wacyi-galinta (Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir -Guddoomiye)

4. Guddiga Isku xirka Hay’adaha iyo Guddi hoosaadyada arimaha gar-gaarka (Wasiirku dowlaha Madaxtooyada Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur- Guddoomiye)

5. Guddiga Caafimaadka iyo Daryeelka Bukaanka Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka (Dr, Jaamac Faarax Xasan- Guddoomiye)

Guddi hoosaadka ay isu kala qeybiyeen Guddiga Arrimaha Bini’aadantinimada ee dadka kusoo barakacay dagaalka Magaalada Laascaanood, ayaa ujeedka yahay in si dhameystiran loo gaarsiyo gurmadka dadka soo barakacay iyo in la hubiyo in adeega gurmad uu si wanaagsan u wada gaaray dhammaantood.

About The Author