Akhriso-Sawirro: Garjaxis oo ku eedaysay MD Muuse Biixi dambiyo dagaal, xasuuq, caburin iyo kaligii talisnimo iyo aaminid la’aan

19 Feb 2023 (Puntlandes) Baaq ka soo baxay guddiga Beesha Garjaxis ayey waxay ku sheegeen in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu galay dambiyo dagaal, uuna mas´uuliyadda dagaalka ka socda magaalada Laascaanood uu isagu leeyahay.

Beesha ayaa Muuse Biixi ku eedeeysay inuu galay dambiyo dagaal oo kala ah xasuuq, caburin iyo kaligii talisnimo, aannna la aamini karin waxa uu ku hadlayo.

Beesha ayaa ugu baaqday Muuse Biixi inuu joojiyo xabadda kalana baxo Laascaaanood Ciidamadiisi oo geeyo meel ka fog shacabkaas.

About The Author